Kenya oo shidaal qodis ka billowday dhul-badeedkii loo xukmiyey SOOMAALIYA

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa kordhisay dhaq-dhaqaaqyada saliid iyo gaas sahmin ee qeybo ka mid ah dhul-badeedkii loo xukmiyey Soomaaliya kadib markii ay diiday go’aanka maxkamadda.

James Ng’ang’a, oo ah madaxa shirkadda ENI Kenya Business Venture (BV), ayaa sheegay in bishii tagtay ay qodis ka billaabeen xirmada ama Block L11B

Tani waxay ka dambeysay kadib sahmin dhuleed oo muujisay in aaggan ay ka buuxaan saliid iyo gaas. Shirkadda ayaa sheegtay inay rajeyneyso inay natiijada ku dhowaaqdo muddo laba bil gudaheed ah.

Wargeyska Business Daily Africa ayaa ku warramay in Kenya ay si xowli ah sare ugu qaaday shidaal sahminta dhul-badeedka wixii ka dambeeyey bishii April, inkasta oo uu jiray muran kala dhaxeeyey Soomaaliya. 

Si gaar ah, dhulka hadda laga wado shidaal sahminta ayaa ku yaalla aaggii lagu murmay, ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ay u xukmisay Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sanadkii tegay sheegay in Kenya aysan ka tagi doonin “hal inji oo ka mid ah dhulka lagu muransan yahay,” taasi oo muujisay sida ay Nairobi uga go’an tahay inay sharciga ka tallowdo, oo ay awood u adeegsato. 

Kenya ayaa markii ay diiday go’aankii ICJ, waxay maxkamadda ku eedeysay inaysan dhex-dhexaad aheyn oo ay u xaglineyso Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadal tallaaboyinka ay qaadeyso Kenya, mana cadda xitaa haddii ay u war hayso, maadaama ay bilihii dhowaa ku mashquulsaneyd dagaal dhexdeeda ah.

Sanadkii ugu dambeeyey ayaa Soomaaliya waxaa hareeyey xasarado siyaasadeed oo xitaa horseeday dagaal bishii April ka dhacay Muqdisho, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu isku dayey in nidaamka dimoqraadiyadda jilicsan ee dalka ka jira uu u rogo kali-talis.

Soomaaliya hadda ma lahan awood ciidan badeed oo ay uga hortagto xatooyada Kenya, hase yeeshee waxay ugu yaraan uga digi kartaa shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka sahmiya inay ka fogaadaan dhul-badeedka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii