Kenya oo si adag uga jawaabtay eedeymo culus oo loo jeediyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa ka jawaabtay haddal maalmo un yar kahor kasoo yeeray Hay’adda Human Rights kaasi oo ahaa in dowladu ay qafaalatay ugu yaraan 34 qof oo ilaa iyo iminka aan lagu heyn nolol iyo geeri.

Sargaal u hadlay dowlada ayaa sheegay in Kenya ay aad uga xun tahay warbixinta ay baahisay Human Rights, waxa uuna Sargaalkaasi sheegay inaanu jiri haddalka kasoo yeeray Hay’adda Human Rights.

Sargaalka waxa uu sheegay inay been abuur tahay in Ciidamada Booliska ay fal noocaasi ah ku kaceen islamarkaana waxa uu tilmaamay in ciidamadu aysan awood u laheyn inay qaadan talaabo aan lala ogeyn.

Charles Owino oo ah Afhayeenka Boliska Kenya, oo khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa ku dooday inaysan Siyaasadda Dowladda ahayn inay dadka dilaan, isla markaana ay ku nool yihiin dal uu Sharci ka jiro.

Charles Owino, waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in hadalkaasi loo helo xaqiiq haddii Saraakiil Bolis lagu xaqiijiyo inay ku lug leeyihiin dadka la la’ yahay inuu qaadi doono Mas’uuliyadda falalkaasi.

“Waxaan xaqiijinyaa in warbixintan ay soo saartay Human Rigths Watch ay tahay mid been abuur ah oo la doonayo in Booliska dalka Kenya sharaftooda meel looga dhaco, laakiin ciidamadeena aysan arintaasi ku kici karin”.

Warbixinta ay soo saartay Human Rights Watch waxay ugu baaqday dowladda Kenya in ay soo af-jarto xadgudubyadaasi, islamarkaana baaritaan lagu sameeyo dadka la waayey iyo kuwa la khaarajiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com