Greece oo xukuntay 8 sarkaal oo qeyb ka ahaa Inqilaabkii Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Greece ayaa go’aan ka gaartay ku dhawaad 8 Saraakiil oo ka goostay dowlada Turkiga kuwaasi oo miisaan ku dhex lahaa Saraakiisha laheyd fakirka Afganbiga ee dhawaan ka dhacay dalka Turkiga.

Saraakiishaani ayaa waxaa lagu xukumay Maxkamad ku taalo wadanka Greece taasi oo ku riday xabsi min laba bilood oo xabsi ganaax ah.

Saraakiisha la xukumay oo ka tirsanaa Taliska Milliteriga Turkiga ayaa ahaa kuwo darajo heer sare ah ku dhex lahaa Milliteriga dalkaasi, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay in si sharci-darro ah dalka Gariiga ay kusoo galeen.

Sidoo kale, Xukunka labada bilood ah ayaa dib loo dhigay muddo saddex sano ah, balse askarta ayaa lagu haynayaa xabsiga inta ay socoto codsiyada magangalyada, oo ay dawladaasi ka dalbadeen.

Dowlada Greece waxa ay sidoo kale ka fiirsaneysaa suuragalnimada in Sideedaasi Saraakiil ay u gacangalshaan dowlada Turkiga iyo inay sii hayaan, waxaana sidoo kale dalab is dabajoog ah uu uga imaanayaa dowlada Turkiga oo iyadu dooneysa in loo soo gacangalsho Saraakiishaasi.

Dowlada Greece ayaa sheegtay in si deg deg ah ay go’aan uga gaareyso codsiyada Saraakiisha ee ku aadan magangalyada.
Dhanka kale, Saraakiishaani la xakumay ayaa beeniyay inay ku lug lahaayen Inqilaabka dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com