Sawirro: Baarlamanka Turkiga oo dhaqan galiyay codsigii Erdogan

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan degdeg ah oo ay isugu yimaaden Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa cod siman ku ansixiyay in muddo 3 bil ah dalka Turkiga lagu soo rogo xaalad degdeg ah.

Guddoonka sare ee Baarlamaanka ayaa sheegay in xaalada degdega ah loogu gol leeyahay in dowlada Turkiga ay jawaab ka bixiso afgambigii dhisicoobay ee dalka ka dhacay.

Kulanka Xildhibaanada oo ka dhacay magaalada Ankara ayaa waxaa si wada jir ah u xaadiray dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka kooban Mucaarad iyo Muxaafid, waxaana kulankaasi xaadiray 461 Mudane, waxaana taageeray in dalka lagu soo rogo xaalad degdeg ah 346.

Xaalada degdega ah ee dalka lagu soo rogaayo ayaa waxaa diiday misna ka hor imaaday 115 Mudane, sida ay qortay Saxaafada dalka Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in go’aankaani uu dowlada u sahlaayo inay qaadato mowqif adag oo lidi ku ah dadka ku dhiiraday Afganbiga.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamanaka iyo Ra’isul wasaaraha dalka Turkiga Binali Yıldırım ayaa cod dheer ku sheegay kulanka kadib in dalka Turkiga uu xaalad degdeg ah gali doono muddo 3 bilood ah.

Dalabka ah in dalka Turkiga lagu soo rogo xaalad degdeg ah ayaa waxa uu ka imaaday dhanka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Turkiga1
Turkiga2
State of emergency declared in Turkey
State of emergency declared in Turkey
State of emergency declared in Turkey
Turkiga6
Turkiga7