Sawir fool-xun oo laga sameeyay xaalada dhabta ah ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani foosha xun ayaa waxaa lagu miisaaliyay xaalada dhabta ah ee ka jirta gayiga Somalia, taasi oo sababtay in Kooxo is baheystay ay cududa jaraan Qaranka Somalia.

Sida lagu muujiyay Sawir Gacmeedka waxaa Kooxahaasi kamid ah Damul-Jadiid oo miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia, Villa Somalia oo ah rugta lagu jaanrogaayay siyaasada Somalia iyo Dowlada ethiopia oo ah mida u sababta ah in Somalia dib loogu celsho halkii ay dhowr sanno ka hor joogtay.

Sawirkaani waxa uu bidhaaminayaa in Rajadii Qaranka ay u gacangashay Kooxo maslaxadiistayaal ah kuwaasi oo maciin biday in danahooda gaarka ah ay eegtaan, halka Umadda Soomaaliyeedna ay u horseeden hoog iyo shalaay.
QUURSI copy