Mas’uul hore & Qoyskiisa oo ku dhaawacmay shil gaari

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garowe, ayaa sheegaya in dhaawac xoogan uu soo gaaray Duqii hore ee Magaalada Garowe Cabdi Xaaji Yusuf oo loo yaqaan ”Shuluco” kaasi oo ku dhaawacmay shil gaari.

Shilka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Garowe iyo Laacaano, waxa ayna wararku sheegayaan in shilka sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray tirro kamid ah qoyskiisa oo xiligaasi ku wehlinaayay socdaalka.

Duqii hore ee Magaalada Garowe Cabdi Xaaji, ayaa waxaa la socday ilaa Shan qof oo kamid ah qoyskiisa kuwaasi oo uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan, sida ay baahisay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho.

Dhaawaca Duqii hore ee Magaalada Garowe Cabdi Xaaji iyo qoyskiisa ayaa waxaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Garowe.

Xaalada caafimaad ee qoyskaasi ayaa waxaa laga muujinayaa rajo fiican, waxa ayna Saraakiisha Caafimaadka sheegen in qoyskaasi uusan soo gaarin dhaawac culus.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com