Sawirro: Saraakiisha hay’ada Nile Academy oo Muqdisho ka baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo Jimca ah magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomalia ka xirxirtay Saraakiisha Hay’adda Nile Academy ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Amarka ay Saraakiishaani dalka uga baxeen ayaa waxa uu kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo iyagu muddo 7 cisho ah u qabtay in Saraakiisha Hay’adda Nile Academy ee kasoo jeeda dalka Turkiga isaga baxaan Somalia.

Xukuumada Somalia, ayaa sababta burinta Saraakiishaasi ku sheegtay in Hay’adda Nile Academy uu leeyahay ninka lagu magacaabo Fethullah Gülen oo isaga lahaa fakirka lagu afganbin lahaa Dowladda Turkiga.

Dalabka lagu eryay Hay’adda Nile Academy ayaa waxaa lahaa Safaarada dowlada Turkiga ay ku leedahay Somalia, iyadoo dalabkaasi loo jeediyay Madaxtooyada Somalia, sidaana lagu eryay dhammaan Saraakiisha Hay’adda Nile Academy ee kasoo jeeda dalka Turkiga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Nil 1

Nil 2

Nil 3

Nil 4

Nil 5

Nil 6

Nil 7

Nil 8

Nil 9

Nil 10