Kenya oo si lama filaan ah uga hadashay safarkii uu Kenyatta ku tagay Dhoobley

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa maalin hore booqasho lama filaan ah oo aysan ka warqabin dowladda ku Soomaaliya Dhoobley ku tagay Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta, midaas caddeysay mowqifka ay Kenya ka heysato dowladda cusub ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababtii kaliftay in booqasho noocaas ah uu madaxweynahooda ku tagay dalka Soomaaliya, safarkaas oo lagu tilmaamay inuu ahaa midaan waafaqsaneyn sharciyada caalamiga ah.

Kenya oo ka hadashay safarkaas ayaa ku tilmaamtay inay wax iska caadiya tahay inuu madaxweyne booqdo ciidamadiisa ka joogo wadan kale.

afhayeenka dowlada Kenya Manoah Esipisu oo Saxaafadda kula hadlay Caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa ka dhawaajiyey inusan jirin wax khilaaf diblumaasiyadeed oo ka dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kadib Booqashadii uu Uhura booqday saldhigga Militari oo ay Kenya ku leedahay Dhoobleey.

“ Booqashadii uu Uhura nooqday ciidamadiisa ka joogo Soomaaliya, gaar ahaan dhoobleey waxay aheyd mid iska caadi ah, waana muhiim inuu madaxweynaha caddeeyo taageerada uu u hayo ciidamadiisa” ayuu saxaafadda u sheegay afhayeenka.

“ Haddii uu jiro Khilaaf u dhaxeeyo labada dowladood, waa hubaa waxaa lagu xallin karaa qaab diblumaasiyadeed” ayuu sii raaciyey.

Khilaafkaan iyo safarkaas sharci darada ah ee uu Uhura ku yimid Dhoobleey ayaa kusoo aadeyso xilli Khamiista soo socoto la filayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo booqasho ku tago Kenya.

Madaxweynaha ayaa Nairobi kaga qeybgeli doono shirka ay yeelanayaan madaxda dowladaha IGAD iyadoo laga hadli doono xaqootiga Soomaaliyeed ku sugan Kenya waxaa la filayaa inay booqashadaas qaadato muddo 3 maalin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com