Kenya oo wada-hadalladii Somalia ka quusatay iyo khubaro Shiiinees ah oo la diyaarinaya qorshe kale

Nairobi (Caasimada Online) – Dadaalladii Kenya ay ku dooneysay in kiiska badda Soomaaliya xal looga gaaro meel ka maxsan maxkamadda caalamiga ah ee cadaalladda (ICJ) ayaa guul-darreystay, waxaana labada dal hadda u billaaban doona dagaal sharciyeed adag, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi.

Isku daygii ugu dambeeyey ayaa ahaa markii madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu labadda toddobaad ka hor Nairobi ku kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta, hase yeeshee wax natiijo ah kama aysan soo bixin.

Dowladda Kenya ayaa hadda diyaarineysa waraaqihii ay u gudbin lahayd maxkamadda, oo mar kale dacwadda dhageysan doonta bisha September, kadib markii Kenya ay sanaddii 2016 ku fashilantay inay joojiso in ICJ ay kiiska guda gasho.

Sida uu qoray Daily Nation, waxyaabaha Kenya ay u gudbin doonta maxkamadda bisha September ayaa waxaa ka mid ah natiijada baaritaan dhuleed, sida ay aaminsan tahay caddeyn doona, in ciidda dhul-badeedka la isku haysto ay ku jiraan macdan sidoo kale laga helo webiyada Kenya.

Caddeyntaas, ayaa Kenya ay rumeysan tahay inay uga dhaadhicin karto garsoorayaasha maxkamadda in dhul-badeedka uu yahay mid Kenyan ah.

Saynisyahanno Shiinees ah iyo khubarada dhulka Kenya ayaa daraasaddan iminka ku diyaarinaya magaalada Beijing. Kenya ayaa sheegtay inaysan haysan khubaro arrintan si wanaagsan u yaqaan, sidaas darteed ay adeegsaneyso kuwa Shiinees ah.

Ma cadda, in marka laga reebo qareenada sharciyeed ee u doodaya, ay dowladda Soomaaliya sidoo kale adeegsaneyso Saynisyahanno sida Kenya oo kale, taasi oo kiiska Soomaaliya xoojin kara.

Dowladda Kenya ayaa ku doodeysa in xariiqda xuduudda badda loo calaamadeeyo si ku toosan dhinaca bari, halka Soomaaliya ay ku doodeyso in xariiqdaas lala simo xuduud dhuleedka.

Doodda Kenya ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah heshiiskii ay Soomaaliya la gashay 2009, ee uu saxiixay wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee xilligaas, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in labada dal uu midna ka hor-istaagain midka kale in sida uu doono uu xuduud badeedkiisa ugu gudbisto guddiga caalamiga ee xadeynta qalfood badeedka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com