Kenya oo wada qorsho lagu sara qaadayo awooda ciidamada Soomaalida Kenya

Kenya (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa wada qorsho uu ku hormarinaayo awooda ciidamada Soomaalida ee Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa arrintaasi usoo bandhigay dhammaan Taliyayaasha Hay’adaha amaanka oo uu ka dalbaday inay diyaariyaan liiska ciidamada Soomaalida ee Kenya.

Madaxweynaha ayaa doonaaya in amniga Xuduudaha Kenya lagu wareejiyo qaar kamid ah ciidamada Somali-Kenya oo iyagu ka tayo badan kuwa Kenyanka ah.

Ciidamadan ayaa amniga Xuduudaha sii heyn doona mudada lagu guda jiro doorashooyinka Kenya oo fooda nagu soo heysa.

Qorshaha ayaa ah in ciidamada ugu badan laga soo dhexsaaro Hay’adda Militeriga oo inta badan khuseysa amniga xuduudaha Kenya.

Dowlada ayaa u diyaar garoobeysa doorasho heer Madaxweyne ah, waxaana musharaxiinta kamid ah Madaxweynaha hadda haya xilka Uhurro Kenyatta oo qorshaha hormarinta ciidamada Somali-Kenya ka sheegay magaalada Mandhera oo uu dhawaan gaaray.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Kenya ayaa talaabadani ku kasbanaaya Soomaalida ku nool dalkaasi.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com