Shirka maamulada iyo DF Somalia uga socday Kismaayo oo 5 qodob dartii u fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa natiijo fashil leh kusoo dhamaaday Shirka magaalada Kismaayo uga socday dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Shirka oo xiisa gaara lahaa ayaa waxaa looga arrinsanaayay sharciga isgaadhsiinta Soomaaliya iyo kaalinta kaga aadan labada dhinac.

Shirka ayaa la sheegay inuu fashilmay kadib markii Wasiirka boostada, isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadu uu Golaha Wasiirada u gudbiyay hindise sharciyeed aan loo dhameyn.

Wakiilada ka socday dhanka maamulada ayaa iyagu Wasiirka iyo xulafadiisa ku eedeeyay in Golaha Wasiirada uu u gudbiyay hindise sharciyeed aan wada-tashi laga sameyn.

Waxyaabaha fashilka soo dadajiyay ee la isku hayo ayaa waxa kamid ah qodobada soo socda:-

1-Wasiirka waxaa lagu qabsaday inuu golaha wasiirada u sheegay in hindise sharciyeedka uu usoo gudbiyay raali ka yihiin maamul goboleedyada ka jira dalka.

2-In Wasiirka uu diiday in sharciyada la dib dhigo si dib looga saxo khaladaadka iyo khilaafka ka jira qodobada la isku hayo.

3-In furaha +252 uu yahay Hanti Qaran laguna soo celiyo gacanta DFS oo matasha Shacabka Soomaaliyeed & maamul Goboleedyada xubnaha ka ah DFS.

4- In Hay’adda Isgaarsiinta loo badalo Gudi ka mid ah gudiyada madaxa banaan ee Qaranku leeyahay oo xubnihiisa ay soo magacaabaan Madaxda Sare ee Dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/hi Farmaajo.

5-In Xubnaha Gudiga ay noqdaan kuwo lagu soo xulay hufnaan, karti, aqoon, waaya-aragnimo, daacadnimo iyo Soomaalinimo oo ka kala yimaada dalka oo dhan laakiin aan ku salaysnayn 4.5 iwm.

Shirkaani oo qorshihiisa uu ahaa inuu qaato maalmo ayaa kusoo xirmay muddo aad u yar kadib markii la isku fahmi waayay qodobada ay wadatay dowlada iyo kuwa ay wateen wakiilada maamul Goboleedyada.

Geesta kale, shirka oo aan la ogeyn goorta uu dib u bilaaban doono ayaa waxaa fashilkiisa loo sababeeyay Wasiirka boostada, isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada DFS.

AKHRISO: Maamul Goboleedyada oo fashilka shirka kadib si wada jira usoo saaray War-murtiyadeed lagu cadeynaayo fashilka shirka

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismayao
Caasimada@live.com