Kenya oo wada qorshooyin kadib markii uu tartan ka soo wajahay suuqa Somalia

Kenya ayaa baadi-goob ugu jirta suuq ay u iib-geyso Qaadka, waxaana ay isha ku haysaa Jabuuti iyo Mozambique xilli tartan adag uga imaanaya dalka Itoobiya oo ku ciriirinaya suuqeeda soo jireenka ah ee Soomaaliya.

Qaadka Miraa loo yaqaano ayaa ku jira khatar ah in loo waayo dal oo suuq geeyo, kadib markii ay kasoo xirmeen suuqayada dalal badan oo Yurub ku yaalla, sida Ingiriiska, oo ogaaday in maandooriyan uu ka halis badan yahay kuwa kale.

Mamnuucida dalalkan ayaa dharbaaxo kulul ku dhuftay beeralayda Qaadka, iyadoo ay u sii dheertahay in gobolo dhowr ah oo gudaha dalka Kenya ku yaalla ay ku goodiyeen inay joojinayaan iibshada maandooriyahan.

Kello Harsama, oo ah gudiga ganacsatada Qaadka Kenya ayaa u diray warqad wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi, isagoo ka codsaday in suuq loo raadiyo, si ay uga soo kabsadaan dhaawaca kasoo gaarey suuqyada caalamiga ah ee ka xirmay.

Guddigan ayaa qorsheynaya inuu safaro ku tago Jabuuti, Mozambique iyo Itoobiya, iyagoo la kulmi doona wasiiradda beeraha dalalkan, ganacsatada Qaadka iyo rugaha ganacsiga ee ka jira, si ay u ogaadaan shuruudaha looga baahan yahay inay badeecadahooda u iib-geeyeen.

Wuxuu sheegay in mar uu Itoobiya booqday uu soo ogaadey in Qaad 50 nooc ah oo ka baxa dalkan, uusan u dhigmin tayo ahaan midka ka baxa Kenya ee Miiraa, kaasoo aad loogu beero gobolka Meru.

In badan Qaadka Itoobiya waxaa aad looga isticmaalaa Somaliland iyo Jabuuti, oo maalintii loo iib geeyo in ka badan 16 tan, iyadoo dowladaha ay ka helaan lacago badan oo canshuur ah.

Inkastoo Qaadka Miiraa loo iib geeyo dalal ay kamid yihiin Uganda, South Sudan Masar, haddan Soomaaliya ayaa ah suuqa ugu weyn, oo malaayiin dollar bil kasta ka heleen ganacsatada Kenya.

Soomaaliya ayaa ku tiirsan waxa dibadda looga soo dhoofiyo [Import], iyadoo wadan mudadii burburka kusoo jiray illaa hadda aysan jirin dowlad shacabka uga faa’idaysay khayraadka dabiiciga ah, sida Macdanta, Batroolka, Kalluunka, dalaga beeraha iyo Xoolaha.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Isha: Garowe Online