Xog: Halis ka dhalan karta ciidamada ay Qatar maal gelineyso ee MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir ayaa laga howlgeliyay dhalinyaro hubeysan oo dhar cad islamarkaana laga qoray hey’adaha amaanka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo amaanka magaalada Muqdisho.

Degmooyinka Boondheere, Shibis, Warta Nabadda, Xamar-weyne iyo Waabiri ayaa kamid ah goobaha ugu badan oo ay dhalinyaradaan ka howlgalaan waxaana la sheegay in ay habeenkii ilaa maalintii oo dhan ay roondeeyaan xaafado lagu kala qoray.

Caasimada Online ayaa ogaatay in halkii Waaxba lagu qoray 10 qof iyo Guddoomiye Waaxeedka degmada, waxaana lagu amray in ay habeenkii oo dhan aysan seexan oo ay shaqeeyaan. Sidoo kale maalintii ayaa la sheegay in ay waajib ku tahay in ay socdaan oo ay sameeyaan roondo iyo baaritaano xoog leh.

Awoodaha la siiyay waxaa kamid ah in ay geli karaan gurigii ay ka shakiyaan hadii ay u arkaan in ay halis ka jirtana ay ku wargeliyaan Booliiska si loogu sameeyo baaritaan dheeraad ah.

Walaaca ugu weyn ee la qabo ayaa ah in aysan is aqoonin dhalinyaradaan laga qoray degmooyinka oo ay dhax-dooda dagaalami karaan.

Sidoo kale walaaca kale ee jira ayaa ah degmooyinka ay ka shaqeeyaan waxaa ku nool shaqaale dowladeed iyo ciidan kuwaas oo heesta hub sharciyeeysan iyo mid aan sharciyeeysneen mana is yaqaanaan dhalinyaradaan la howlgeliyay waxeyna taasi keeni kartaa isku dhac iyo kala shaki sababa dhimasho iyo dhaawac.

Dhalinyaradaan oo dhowr boqol ah ayaa la sheegay in ay maal-gelineyso Dowladda Qatar islamarkaana ay u dhameestirtay dhamaan baahiyahooda ku saabsan shaqada ay qaban doonaan.

Lama oga sida loo kala dhowri doono Ciidamadaan aan is aqoonin ee la howlgeliyay iyo saameynta ay ku yeelan doonto shaqaalaha kale ee dowladda ee hubeysan kuwaas oo keeni kara isku dhacyo dhimasho iyo dhaawac sababa.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com