Dilaa Xamar ku sugan oo la qaban la’yahay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Axmed Carabow waa Askari ka falaagoobay Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxa uuna magaalada Muqdisho ka fuliyay ugu yaraan 5 dil oo dhamaantood ah dad shacab oo aan waxba galabsan.

Dilalka ugu badan waxa uu ka fuliyay degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir, waxeyna Dowladda Soomaaliya ku guul dareysatay in ay sharciga marsiiso ama xirto si looga badbaado qatarta dilaaygan.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa mar qabtay waxaana lagu sii daayay damiin kadibna waxa uu sii watay dilalka iyo dhaca dadka shacabka ah.

Xildhibaan iyo Senator ka tirsan dowladda Soomaaliya ayuu magan u yahay askarigan waxaana la sheegay in ay ku xareesteen guri ay dagan yihiin oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Hey’adaha amaa ka ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan heysan fasax ay ku weeraraan guri ay dagan yihiin Xildhibaan iyo Senator islamarkaana Askariga halkaas lagu haayo oo aan loo ogoleyn dibadda.

Waa mid kamid ah nasiib darrada ka jirta magaalada Muqdisho waxaana hadda laga cabsi qabaa in Askrigaan uu fuliyo dilalka maadaama uu weli hubeysan yahay oo aysan jirin cid la xisaabtanta ama hubka ka dhigta.

Caasimada Online waxay ka gaabsatay in ay adeegsato magacyada Senatorka iyo Xildhibaankaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee gacanta ku haaya Askarigaan dadka badan ku dilay Muqdisho.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com