Ra’iisal wasaare KHEYRE: Meeshan yaa kuu ogolaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Baraha bulshada ayaa si aad ah loogu wadaagay muuqaal kooban oo laga qaaday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo magaalada Muqdisho uga kaqaybgelayey xuska dhalashada Boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth 2

Xuska dhalashada Queen Elizabeth oo lagu qabtay gudaha safaaradda UK ee Muqdisho ayaa waxa kaqaybgalay oo lagu casuumay madax katirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo dhalashada 2aad kahaysta Uk

Ra’iisal wasaare Kheyre oo kamid ahaa madaxdii lagu casuumay xuska sanadguurada 93aad ee kasoo wareegatay dhalashadii Queen Elizabeth ayaa saf ballaaran u salaamay madax, siyaasiyiin iyo Shaqaalaha safaaradda qaarkood.

Kaddibna waxa kusoo baxay taliyihii hore ee hay’adda Nabadsugidda ee xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Salbaloolshe oo kamid ahaa Siyaasiyiinta lagu casuumay xuska sanadguurada 93-aad ee dhalshada Elizabeth.

Ra’iisal wasaare Kheyre isaga oo salaamaya Sanbaloolshe ayuu si kaftan u eg u weydiiyey taliyaha Su’aal ka qoslisay madaxdii joogtay kulanka taas oo ahayd ” Meeshaan yaa kuu ogolaaday?

Madaxdii safka kujirtay ee soo dhoweysay Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhammaan ku qosolay su’aashaas iyada oo uusan Sanbaloolshe muuqaalkan dhexdiisa uga jawaabin su’aasha Raisalwasaaraha.

Su’aashaan oo Kaftan-dhable ayaa ka turjumeysa xiriirka, waaqica siyaasadeed iyo sida uu Raisalwasaare Kheyre u arko Siyaasiyiinta la soo shaqeeyey balse ay muddo kaddib isla jaanqaadi waayeen.

Sanbaloolshe oo ahaa Xildhibaan kamid ah golaha shacabka ayaa kategey xilkaas kaddib markii uu qabtay xilka taliyaha hay’adda Nabadsugidda isaga oo markii xilkaas laga qaadayna isku deyey in uu u tartamo booskiisii golaha shacabka hayeeshee kuma guuleysan.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com