Kenya oo wajaheysa xaalad halis ah kadib hadal kasoo yeeray Raila Odinga

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka ee kenya, Raila Odinga ayaa difaacay go’aankii uu uga baxay tartanka doorashada madaxtinimada.

Raila oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in uusan doonayn ka qeybgalka doorasho “hannaankeeda lagu sii go’aamiyay ciidda guuleysanaysa”.

Wuxuu intaa ku daray “in aysan Kenya nabad ka sii jiri karin inta ku shubashada doorashada ay socoto.”

Taageerayaashiisa ayaa weli wado dibadbaxyo ay ka dhigayaan Nairobi iyo galbeedka Kenya, ayagoo diidan go’aan lagu mamnuucay isu soo baxyada.

Wararka ka imaanaya dhanka galbeedka Kenya waxay sheegayaan in booliska ay toogteen laba qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha.

Deegaanka dadka lagu dilay waa meesha uu ka soo jeedo Raila ee Bondo.

Mucaaradka Kenya waxay dalbanayaan in isbedel lagu sameeyo guddiga doorashada oo ay ku eedeynayaan in ay masuul ka ahaayeen qaladkii ka dhacay doorashadii August.

Doorashadaas waxaa wax kama jiraan ku tilmaamtay maxkamadda sare oo sheegtay in qaladaad la sameeyay markii tirinta ay billaabatay.

Raila ayaana hadda diiday in uu ka qeybgalo midda ku celiska ah. taageerayaashiisa ayuu u sheegay in ay dibadbaxaan illaa shaqada laga joojinayo xubno ka mid ah guddiga.

Madaxweyne Kenyatta iyo guddiga doorashada ayaa sheegay in codeynta u dhicidoonto sidii loo qorsheeyay oo ah 26-ka bishan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com