Xildhibaanada BF oo go’aan ka gaaraya heshiis uu soo galay Yuusf Garaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia ayaa maanta lagu wadaa in ay ku kulmaan Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa inta uu kulankooda socda cod u qaadi doona heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista Dalalka Soomaaliya iyo India.

Heshiiska ay Xildhibaanada codka u qaadi doonaan ayaa waxaa dowlada India la gashay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia.

Xildhibaanada ayaan maalmahaan yeelan wax kulan ah,waxaana kulankii ugu dambeeyay uu ahaa mid u baaqday kooram la’aan, isla markaana wixii ka dambeeyay aysan kulan yeelan.

Golaha Shacabka waxaa horyaalla Sharciyo ay soo gudbiyeen Golaha Wasiiradda oo lagu doonaayo in ay meelmariyaan, waxaana ka mid ah Sharciga la dagaallanka Musuq-maasuqa.

Dhinaca kale, ammaanka xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana ammaanka xarunta sugaya Ciidamada Booliska Somalia kuwooda Ilaaliya kulamada baarlamaanka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com