Sawirro: Shimbir ku sigatay inay soo rido diyaarad ay leedahay Turkish Airline

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya waxaa si degdeg ah Garoonka Moi uga degtay Diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airline xili ay soo foodsaartay cilad.

Diyaaradan ayaa ka duushay Garoon ku yaalla gobolka Xeebta ah ee dalka Kenya, waxa ayna kusii jeeday Magaalada Istabul, balse cilad ay wajahday kadib ayey caga dhigatay Garoonka Moi.

Diyaarada ayaa waxaa la socday rakaab tirro ahaan lagu sheegay 121 oo isugu jiray Turki iyo dadyow kale oo heystay dhalasho kala duwan.

Diyaarada ayaa la sheegay inay sababsatay Shimbir taa oo gashay mid ka mid ah Mashiinada diyaarada.

Shimbirta ayaa qalqal galisay duuliyaha iyo diyaaradii uu waday oo halis u galay inay soo dhacdo xili ay kasii baxeysay hawada Kenya.

Sidoo kale, Saraakiisha Garoonka Moi ayaa xaqiijiyay in diyaaradaasi muddo ku dhow Saacad ay ku dul wareegeysay Hawadda Magaalada Mombasa si loo dhameeyo Shidaalka ku jira diyaaradda.

Duuliyaha diyaarada ayaa si nabadgalyo leh u badbaadiyay dhammaan rakaabkii saarnaa diyaarada.