Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in iIsniintii xildhibaan ka tirsan ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland lagu xiray xabsiga magaalada Mandheera oo ka tirsan gobolkaasi.
Xildhibaanka oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Gurxan ayaa lagu soo warramayaa in habeenkii labaad uu ku xiran yahay saldhigga degmada Mandheera.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka xilliga la xirayay laga qabtay Koontaroolka laga raaco Basaska ee magaaladaasi, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Gurxan ayaa loo haystaa inuu isticmaalayay kaarka aqoonsiga Kenya oo la sheegay inuu ku qaatay si abuur ah, sida uu baahiyay The Standard oo helay warqadda dacwadda.
Gitari Muchira ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu wajihi doono maxkamadeyn, isla-markaana beri lasoo taagi doono, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.,
Dhanka kale xubno ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo oo xuduuda ku taalla ayaa ka hadlay xarigga xildhibaanka waxayna dalbadeen in lasii daayo Yuusuf Maxamed Gurxan.
Arrinta xildhibaanka ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Kenya, ayada oo xariggiisa ay tabisay warbaahinta maxallliga ah ee dalkaasi.
Si kastaba, Jubbaland ayaa xiriir wanaagsan la leh Kenya, maadaama ay xuduud leeyihiin, sidoo kalena waxa ay iska kaashadaan arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka Shabaab.