Kenya: RAILA ODINGA oo kiis fadeexad ah ku furay madaxweyne KENYATTA

Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Kenya ee Raila Amolo Odinga, ayaa madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ka dalbaday in la hakiyo musuq uu sheegay in lagu hayo hantida Qaranka.

Raila Amolo Odinga, waxa uu Kenyatta u xaqiijiyay in boob lagu hayo hantida Qaranka, gaar ahaan kuwo ku jira Bankiga.

Odinga, waxa uu Kenyatta qudhiisa ku eedeeyay inuu lunsado dhaqaale xad-dhaaf ah, balse ugu baaqay inuu qirto musuqa uu ka galaayo Qaranka.

“Hantida Qaranka waxa ay u dhexeysaa Kenyatta iyo madaxda ka hooseysa waxaa nagu adag inaanu indhaha ka qabsano waxa dhacaaya”.

“Waa inaan banaanka keena musuqa lagu hayo hantideena si meesha looga saaro tuhunada iyo boobka lagu hayo hantida”.

Sidoo kale, Raila Amolo Odinga, ayaa madaxweyne Kenyatta u xaqiijiyay in boobka socda ay u hayaan cadeymo sidaa aawgeed la doonaayo in la xaqiijiyo boobka tagan.

Haddalka Raila Amolo Odinga, ayaa imaanaya xili uu dib usoo noqonaayo khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Uhurro Kenyatta.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com