Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa meel fagaaro ah ku gubtay hubkii ugu badnaa oo ka koobnaa noocyada kala duwan ee hubka.
Hubkaasi ayaa dowlada Kenya waxay sheegtay in la ururinayay muddo sagaal sano ah, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin uu kamid ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Mr Ruto.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya wuxuu sheegay in hubkaasi inta ugu badan uu kasoo galay dalka Soomaaliya, waliba si sharci daro ah lagu geeyay dalkaasi, sida uu hadalka u dhigay.
Kenya ayaa waxaa adag in dadka ay hub yeeshaan, waxaana dadka doonaya iney hub yeeshaan la marsiiyaan baaritaan dheer, halka Soomaaliya laga yaabo in qoys kastaa qori uu heysto.
Inka badan shan kun oo qori ayay kenya gubtay waana markii labaad oo Kenya ay hubkaasi oo kale gubo muddo labo sano gudahood ah.


