Kenya: Soomaaliya ma rabee fuudkeeda ayaan rabaa!!

Is-haynta Somalia iyo Kenya ma aha  arrin ugub ah ee waa soojireen, asaxaabihii iyo ingiriisba xog fiican ka hayeen. Qofkii raba inuu wax fiican ka ogaadana waxan kula talin lahaa inuu daawado SAFARI, film uu ingiriisku ka sameeyay Kenya, door muuqdana uu ku lahaa Mr JAMA oo ahaa nin Somali ah.

Hase yeeshee arrinta waxa dhabqiyey saddex isbedel oo dib ka yimid:

1) Maraykan xog mooge ah oo bedelay ingiriiskii isku wadi jiray labada reer, isagoo midba tahanti ula tallaabsanayay.

2) Somalia oo burburtay, dad, duunyo iyo dawladnimo waxay ka lahaydna ay Kenya bililiqaysatay.

3) Kenya oo aan la gabanayn: “SOMALIA MA RABEE FUUDKEEDAN RABAA!!!”

Markuu Maraykan sidii COWBOY vs CALI BEESATEEN ugu degay Somalia isagoo huwan shaalkii Qaramada Midoobay, waxa la isku ogaa inuu ciidamo aysan ku jirin dawladaha derisku adeegsado. Hase yeeshee tiisuu wataye taaka taakuu ciidamo Kenyan ah u mahiibsiiyey goboladii Jubooyinka oo ay in badan ku taabmi jireen. Taasoo ay Ethiopia iyo Djibouti-na hal la qalay raqdeed dhankooda ugusoo qamaameen.

Kenya oo si gaara Maraykan qandaraas uga qaadatay dhabqinta Somalia iyo kusii haynteeda xaaladaa murugsan ayaa saami u heshay in gurigeeda hasha lagu qalo, quruskeedana ka coodato, qaxootigeedana la dejiyo. Dhanka kalena Soomaali waa dudee. Qaarkeed dawlado ku dhistay, hantideediina dhigatay, weliba dhabanka u salaaxday.

Iyana markay istiri tani quluulatay, ayay xuduudii bad iyo berriba iyadu dib u calaamaysatay, iyadoo weliba ay ka go’an tahay inaysan mid hore u jirtay, mid lagu heshiiyo iyo mid maxkamadi xukunto midna u aabayeelin.

Wajeer in la maro masaafada, madaxdu hogato madaarada, Islee lagu maalo maatida, Ingiriis ma arkayn manaamkee, maraykan baa jeexay map-koo, farmaajo-na siiyay mandate.

Hadaysan sidaas ahayn waxaynu arki doonaa Farmajo iyo Khayre oo ka dhabeeyay go’aankoodii sababaysnaa oo ahaa in shirarka laga wareejiyo Nairobi.

Marmarsiinyaha durba lagu dhaawacayo go’aankaas taariikhiga ah, ee dadyow aan filayo in loosoo dhiibay ay ku celcelinayaan baraha bulshada, inan Somalia doorasho lahayn, waxan ka leeyahay:

Lax waliba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa! Anago tiro iyo tayoba inta kayar ayaan 1949 kii muqdisho keenay afartii dawladood oo adduunka berigaas ugu tunweynaa, si ay u dhegaystaan rabitaanka dhabta ah ee Somalia.

Waa wax jira inan lax la qalayo la weydiin dhankee laguu dhigaa! Laakiin ogaada hadaan lax la helin inan shillal iyo shiro tooni jiri karin. Taasoo macnaheedu yahay hadaynaan inagu cid dambeba u dirsan Nairobi, inaysan gogoli ooli doonin. Weliba dawladu meelaha ay magacawday Xalane kasokow sida: Kampala, Kigali Iyo Addis Ababa kulligood waa macquul hoostayna ka jecelyihiin in wuxuun lagu caynsho. Sidaa darteed waxan talo kusoo jeedin lahaa in iyana la geliyo oo loo wafdiyo.

W/Q: Saxardiid Kilwe
ssaxardiid@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid