Xiisad cusub oo u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland oo ka taagan gobolka Sanaag

Sanaag (Caasimada online) – Iyadoo maanta la filayay in maamulada Somaliland iyo Puntland is dhaafsadaan  maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaaladii ka dhacay Tukaraq ayaa waxaa xiisad saaka laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Xiisadda ayaa lagu waramayaa inay u dhaxeyso ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan inay ka baqayaan in markale lagu dul dagaalamo.

Xiisadda ayaa saaka si gaar ah kaga taagan deegaanada Badhan, Damale-Xarage iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana dhaqdhaqaaqyo ciidan wada ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Magalada Badhan waxaa ku sugan wafdi uu horkacayo Wasiirka amniga Puntland Cabdi Samad Maxamed Gallan, isaga oo halkaasi shirar kula leh waxgaradka Magaalada iyo Saraakiisha Ciidamada.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xiisadda ay ka dhalatay markii labada maamul ay isku qabteen doonista ku aadan inay iyaga ay maamulaan deegaanada maanta xiisadda ay ka taagan tahay sida Badhan iyo Deegaanada hoostaga.

Dhawaan waxaa Ciidamada Soomaaliland ka goostay Saraakiil iyo Ciidamo la socda,kuwaas oo u wareegay dhinaca Puntland,waxaana Soomaaliland dhinaceeda ay wadaa abaabul ay ku dooneyso inay la wareegto deegaanada Gobolka Sanaag.

Xiisaddaan ayaanan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto iyo inay saameyn doonto Maxaabiis is dhaafsigii labada dhinac u dhaxeysay.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Alllah.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com