Halka caasimadda Falastiin loo qorsheeyey marka laga wareego Qudus (Aqriso)

Qudus (Caasimadda Online) – Illo wareed ka tirsan Israa’iil oo heer sare ah ayaa xaqiijiyey in Caasimadda Falastiin ay noqon doonto Abu Dis sida lagu qoray heshiiska Qarniga ee lagu dhisayo Dowlad Madax banaan oo Falastiin ah.

Wargeyska laga leeyahay dalka Israa’iil ee lagu magacaabo Makor Rishon ayaa shalay Qoray in Magaalada Abu Dis ee ku taal meel ka baxsan xeendaabka ay Yahuuda heysato ee Qudus oo ay ka arrimiso Falastiin ay noqon doonto Caasimadda cusub ee Falastiin.

Abus Dis ayaa lagu heshiiyey inay noqoto magaalo maamul ahaan hoos tagto Falastiin balse ay Ciidan ahaan maamusho Israa’iil sida ku qoran Qodobka B ee Heshiiskii Oslo.

Wargeyskaan ayaa sidoo kale qoray in Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas uu sanadkii 2018 ka diiday Dowladda Mareykanka iyo israa’iil in Magaaladaas laga dhigo  Caasimadda dalka Falastiin isla markaasna laga saaro Ciidamada Israa’iil ee xoogga ku heysto.

Bishii December ee Sanadkii 2017 Dowladda Mareykanka ayaa Jerusalem u aqoonsatay inay tahay Caasimadda Israa’iil waxayna Bishii May 2018 si rasmi ah ugu soo guurisay Safaaraddii ugu taalay Tel Aviv.

Inkastoo aan weli lasoo bandhigin heshiiska Qarniga ee la doonayo in Dowlad looga dhigo Israa’iil isla markaasna falastiin loo madax banaaneeyo maamulkeeda lana qaato qaar ka tirsan dhulkeeda  haddana waxaa marba la helayaa qodobo kamid ah heshiiskaas.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Qudus
Caasimada@live.com