Maxaa ka jira in Kenya ay qabatay lacag $1.7 milyan ah oo uu lahaa sarkaal ku dhow madaxweyne Farmaajo?

Nairobi (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee tagay waxaa baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ay aad u hadal hayeen lacag gaaraysa 1.7 milyan oo dollar oo Kenya ay qabatay, taasi oo sida la sheegay uu lahaa sarkaal Soomaali ah.

Warbixinnadan ayaa waxay sheegayeen in lacagta uu Itoobiya kasoo diray sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo aad ugu dhow kuna beel ah madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa warbixinta asalkeeda laga keenay wargeyska The Star ee kasoo baxa Nairobi, kaasi oo warbixintiisa aan raacin wax xigasho ah oo ku saabsan cidda uu warka ka helay, haddii ay yihiin Soomaali ama Kenyan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa weriyaha caanka ah, Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA, waxa uu sheegay in warkan uu yahay mid been ah oo aan sal lahayn.

“Warbixinada uu dhowaan qoray website wareed Kenyan ee ah in Kenya ay qabatay boorso ay ku jirtay lacag dhan 1.7 milyan oo dollar oo cidna aysan la socon waa been, sida ay ku warrameen ilo-wareedyo Soomaali iyo Kenyan oo dhowr ah” ayuu yiri Haaruun Macruuf.

Warbixinadan ayaa waxaa si gaar ah u adeegsaday dad aad uga soo horjeeda madaxweyne Farmaajo, oo ay ku jirana xildhibaanno, kuwaas oo ku eedeeyey musuq-maasuq iyo inuu lacag u dhiibtay dad ehel la ah.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com