‘Kenya waxaa kusoo socota seefta Itoobiya iyo Eritrea oo ay gadaal ka hayso Somalia’

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa ayaa qoray in dagaal xooggan oo ku saabsan doorashada Jubaland uu dhex-mari doono Kenya iyo Somalia, ayada oo dowladda Muqdisho ay isku dayi doonto inay Axmed Madoobe ka tuurto xukunka, halka Kenya ay ka go’an tahay inuu sii joogo.

Warbixin wargeyska uu qoray ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay adeegsan doonto isbahaysi cusub oo gobolka ah iyo dalalka Qatar iyo Turkey, si maamulka Jubaland looga wareejiyo Axmed Madoobe iyo Ciidamada Kenya.

Sida warbixinta lagu sheegay, qorshahan ayaa waxaa ku jira in ciidamo Itoobiyaan iyo Eritrean ah oo aan ku jirin Amisom la geeyo Kismaayo, si ay saameyn ugu yeeshaan doorashada Jubaland, loona xaqiijiyo in qof ay dowladda taageersan tahay uu kusoo baxo.

Ethiopia ayaa si aad ah usoo dhoweeneysa qorshahan, ayada oo leh ujeedadeeda gaarka ee ah inay gacanta ku dhigto dekedda Kismaayo, oo ay ciidamada Kenya gacanta ku hayaan.

Waxa ay sidoo kale dhowaan dhistay ciidamo badda ah oo u baahan saldhigyo ay ka maamulaan Badda Cas iyo Badweyne Hindiya, sidaas darteedna muhiimad gaar ah ayay u leedahay dekedda Kismaayo, sida ay warbixinta tiri.

Warbixinta Daily Nation ayaa tiri “Kenya waxay u baahnaan doontaa fur-furaan iyo xariifnimo si ay uga bad-baado seefta Itoobiya iyo Eritrea ee kusoo socota, oo ay Soomaaliya adeegsaneyso”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com