Kenya: Xog cusub oo laga helay baaritaanka kiiska dilka ganacsadihii Soomaaliyeed

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay faah-faahino dheeriya oo laga helayo baaritaano lagu sameeyay meydka ganacsade Bashir Maxamed Gaboobe oo dhawaan meydkiisa laga helay goob duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee dalka Kenya.

Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin, ayada oo meesha laga saaray in wax rasaas ah loo adeegsaday, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu jiiday.

Ehellada marxuumka ayaa hore u shaaciyey in dilka Bashiir loo adeegsaday rasaas, ayna sidoo kale ku yaalleen nabaro kale oo jir dil ah, hase yeeshe faah-faahinta hordhaca ah ee kasoo baxeysa baaritaanka ayaa tilmaameysa mid taas ka badalan, sida ay daabacday warbaahinta Kenya.

Madaxa dowladda Kenya u qaabilsan baaritaanada meydadka ayaa gacanta ku haya baaritaanka meydka marxuumka oo muddo la raadineyay, kaasi oo markii dambe la helay meydkiisa, ayada oo la geeyey qolka maydka ee magaalada Mwea oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo ah halka laga helay meydka.

Dhinaca kale, Qareenka u doodaya marxuumka ayaa asaguna sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu garaacay.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in gubasahda meydka ka muuqatay ay ugu wacan tahay in koronto lagu dhajiyey, sida uu sheegay.

Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Maxamed Gaboobe oo todobaadyo ka hor la waayey ayaa 23-kii bishaan meydkiisa laga helay duleedka magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Marxuumka oo maalmo badan la baadi goobayey ayaa waxaa meydkiisa laga helay meel duur ah oo qiyaastii 180 KM u jirta magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Marxuumka ayaa 13-kii bishan aynu ku jirno la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana kadib waayitaankiisii duleedka Nairobi laga helay gaari la rumaysanyahay inuu yahay kiisa oo la gubay.

Sidoo kale marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad ganacsi oo ka shaqeysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka wadday dalka Kenya.

Dhacdadan ayaa wal-wal xoogan iyo sidoo kale cabsi ku reebtay ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah ee ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.