Xog: CABDI XAASHI oo hal arrin ka diiday R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare, islamarkaasna ah Guddoomiyaha siyaasiyiinta Somaliland sidoo kalana ah guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay la kulmay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la sheegay in isaga iyo Siyaasiyinta Somaliland ay iska diideyn dalabka Ra’iisul wasaare Rooble ee ku saabsanaa qoondada laga siiyey guddiyada hirgelinta doorashada.

Rooble ayaa dalabkaan hordhigay Guddoomiyaha Cabdi Xaashi, balse Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu codsiga Ra’iisul wasaaraha u gudbiyey guddiga siyaasiyiinta Somaliland garabka uu isaga hoggaamiyo oo ayagana si cad u diiday.

Codsiga uu Rooble hor dhigay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ahaa in garabka uu isaga hoggaamiyo laga siiyo guddiga doorashada Somaliland illaa 5 xubin halka garabka kale ee uu hor kacayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed la siiyo 10-ka kale.

Guddoomiye Xaashi qoondada la siiyey 35% waxaa uu u arkaa in aaney ka tarjumeyn kursiga uu ku fadhiyo iyo siyaasiyiinta Somaliland, iyada oo ninka dowladda ay taageerto ee Mahdi Guuleed uu la tagayo 65% guddiga.

Shirkii farsamada ee Baydhabo ayaa garabka uu hoggaamiyo Guddoomye Cabdi Xaashi loogu ogolaaday in la siiyo 4 xubin, waxaana hadda muuqato in kaliya lagu kordhiyey 1 xubin taasoo noqotay mid aan u cuntami karin guddoomiyaha.

Gudoomoye Cabdi Xaashi iyo garabka uu hoggaaminayo ayaa dalbanayo in guddiga doorashada ee reer waqooyiga loo qeybsado si siman, waxaana taas kasoo horjeedo Mahdi Guuleed oo garab ka helayo Villa Somalia.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoon karo u xaqiijiyeen Caasimadda Online, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku hanjabay inuu shir jaraa’id qaban doono haddii shirka ka socdo xerada Afisyooni looga dhawaaqo go’aan hal dhinac ah, taasoo keentay inay kulan deg deg ah ka codsadaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Xogta aan ka helnay xafiiska Guddoomiya Cabdi Xaashi ayaa meesha ka saareyso sheegashada xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ee ah in kulankii dhex maray isaga iyo Cabdi Xaashi laga gaaray isfaham.

Wararka laga helayo shirka ayaa waxa ay sheegayaan in ay adkaatay in heshiis laga gaaro sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta iyo Madaxda kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee dalka.