Sawirro: Askari Kenyan ah oo u afduuban Al-Shabaab oo farriin xasaasi ah soo diray

Muqdisho (Caasimadda Online) Muuqaal cusub oo ay soo saartay garabka Warbaahinta ee Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay mid kamid ah askarti ciidanka Kenya ee lagu qabtay dagaalkii Ceel-Cadde ee dhacay sanaddii 2016.

Gerishon W. Wesike oo ah maxbuus gacanta ugu jira Al-Shabaab ayaa farriimo u diray Uhuru Kenyatta iyo shacabka Kenya, sido kalana wuxuu ka hadlay howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka tahay Dowladda Kenya.

Askarigaan ayaa sheegay in dowladiisa ay dayacday islamarkaana lagu hilmaamay xabsiga uu ugu jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna dowladda Kenya ku eedeeyey inaysan marnaba soo hadal qaadin maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Ceel-Cadde.

Muuqaalka intiisa badan ayaa Wesike waxa uu dowladiisa ka codsaday in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya si loo badbaadiyo naftiisa maadaama ay Al-Shabaab sii deyntiisa shuruud uga dhigtay in ciidamadaas laga saaro guud ahaan Soomaaliya.

53 sano jirkaan ayaa qoyska uu kasoo jeedo ka codsaday inay Dowladda Kenya cadaadis ku saaraan sidii uu uga soo bixi lahaa gacanta Al-Shabaab.

Gerishon W. Wesike ayaa waxaa muuqaalkaan cusub looga duubay halkii laga soo qabtay 5 sano ka hor, iyadoo lagu amray inuu matalo qaabkii uu ku sugnaa markii gacanta lagu soo dhigay, waxaana xusid mudan in meesha muuqaalka looga duubayey la keenay gaarigii uu saarnaa markii gacanta lagu soo dhigayey.

Waa markii labaad oo muuqaal noocaan ah laga soo duubo askarigaan, waxaana markii ugu horeysay muuqaal laga soo duubay la faafiyey Bishii April ee sanadkii 2016, balse dowladda Kenya ayaan wax muhiimad ah siin codsiga askariga ka tirsan ciidamadooda ee ku jiro gacanta kooxda Al-Shabaab.