Daawo: Goorta lasoo xirayo shirka Afisyooni oo la sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, sida uu shaaciyey xafiiska Rooble.

Shirkan waxaa lagu wadaa in lasoo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan, waxaana la isku afgartay inta badan qodobadii la isku hayey.

Af-hayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka oo maanta galay maalintiisii afraad, waxuuna sheegay in madaxda ay muujiyeen biseylkooda ku aadan sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

“Ra’iisul wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto,” ayuu yiri Macalimuu.

Shirkan oo teendhada Afisyooni ka furmay Sabtidii lasoo dhaafay ayaa looga hadlay qodobo in mudo ah la isku khilaafsanaa, waxaana la sheegayaa in badankood ay dhinacyadu heshiis ka gaareen, waxaana dhiman weli qodobo ay ka mid tahay arrinta Somaliland.

Sida uu ka dhawaajiyey Afhayeenka xukuumadda waxaa la guda galay diyaarinta warmurtiyeedkii heshiiska, waxaana la sheegay in Khimiista soo socota la soo xiri doono shirka, iyadoo madaxdu ay shaaci doonaan qodobada ay ku heshiiyeen, si dalka loogu jaheeyo doorasho.

Hoos ka Daawo