DF oo sheegtay in heshiis laga gaaray doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta shir gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana hor tegay oo khudbado ka jeediyey xubno ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Ugu horeyn wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa khudbadiisii uu ka hor jeediyey Golaha Ammaanka waxa uu ku sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ahaa qodobka ugu muhiimsan ee loo qabtay shirkaas.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliya ay shir maalmo qaatay oo weli uga socda magaalada Muqdisho ay ka gaareen hor-marro waaweyn, isla markaana heshiis laga gaaray arrimihii la isku hayay ee doorashada ku saabsanaa.

Sidoo kale wasiirku waxa uu khudbadiisii galabta ku sheegay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen qodobadii muhiimka ahaa ee uu muranka ka taagnaa, isla markaana ay war-saxaafadeed si wadajir ah u soo saari doonaan maalinta Khamiista ah ee soo socota.

Dhankiisa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan isagoo warbixin ku saabsan Soomaaliya siinayey golaha ammaanka ayaa waxa uu bogaadiyay tanaasulka ay muujiyeen hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo is afgaradka socda, “Dareenka tanaasulku weli waa baahi deg deg ah oo loo sii socdo,” ayuu yiri James Swan.

Iyadoo aan weli wax heshiis ah oo la gaaray aan la shaacin, ayey xukuumaddu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey la wadaagtay in wax kasta laga heshiiyey, balse sida aan xogta ku heleyno weli lama xalin qodobo ay ku jirto arrinta Somaliland.

Tan iyo Sabtigii todobaadkaan Ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho ayuu shir uga socda Teendhada Afisyooni, waxaana lasoo werinayaa in afartaas maalmood wadahadalladii socday laga gaaray hormarro muhiim ah, waxaana lagu wadaa in Khamiista 27-ka bishan lasoo gabagabeeyo shirka, sida uu galabta shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.