Shabaab oo weerar culus ka fulisay Kenya + Khasaaraha

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad aha ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan kooxda Al-Shabab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan nawaaxiga Wajeer.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyey guri uu duleedka Wajeer ka dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee dalkaasi oo lagu magacaabo Nuur Jibriil, kaasi oo xilliga weerarka ka maqnaa guriga.

Sarkaalka la weeraray hoygiisa oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in xilligaasi ay isaga iyo askar kale ilaalo ka hayeen isbitaalka (Khorof Harar Hospital), kadibna markii ay maqleen rasaasta ay guriga kusoo laabteen.

Nuur Jibriil oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in marka ay yimaadeen guriga ay la kulmeen meydka wiilkiisa oo ay toogasho ku dileen kooxihii fuliyey weerark oo goobta ka baxsaday.

“Annaga iyo saraakiisha kale ee NPR, waxaan ilaalo ka haynay Isbitaalka (Khorof Harar Hospital) markii Al-Shabaab ay soo weerareen gurigeyga, waxaan maqalnay dhawaqa rasaasta waxaana durba u dhaqaaqnay goobta. Nasiib darro, markii aan halkaa gaarnay waa goor ay wiilkayga toogteen,” ayuu ka dhawaajiyey Nuur Jibriil.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weerarka, kadib howl-gallo ballaaran ka sameeyey agagaarka degmada Wajeer, iyaga oo baadi goobayey raggii ka dambeeyey falkaasi.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyo Bari oo xad laleh Soomaaliya.