Kenyatta: Madaxda DF iyo maamulada waxay Somalia u horseedeen arrin xun

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si cad u sheegay halka ay ka quransan tahay Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in is aaminaad la’aan ka dhex jirta ay meesha ka saartay in nabad ay helaan dadka Soomaaliyeed, taa oo sahli kartay in la soo afjaro dhibaatada ragaadisay dalka.

Waxa uu hadalkan la wadaagay Thomas Waldhauser oo ah taliyaha howlgalka Mareykanka  u qaabilsan qaaradda Africa (AFRICOM), isagoo xusay in uu sii xumaanayo xeriirka u dhaxeeya dowladda Federalka ah ee  Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka, waxaana u muujiyay walaac xoogan oo arintani uu ka qabo, taa oo god dheer ku tuureysa rajada ah in Soomaaliya nabad iyo xasilooni hesho, isagoo xusay in colaada iyo kala qeybsanaanta Soomaalida iney ugu wacan tahay is aaminaad la’aan ka dhex jirta dadka iyo Madaxda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Mr Waldhauser oo ah Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa ayaa sheegay in xasilooni darrada Soomaaliya ay sii hurinayaan dalaka carbeed oo iyago xeriiro kala duwan la leh, dowladda Federalka Iyo Madaxda Maamulada kale ee dalka ka jira.

Uhuru Kenyatta ayaa Soomaaliya ka dalbaday in ay joogto booskeeda dhex dhexaadnimada ee arimaha khalej-ka carabta oo saameyn dhan walbo ah ku yeelan kara Soomaaliya.

Thomas Waldhauser iyo Uhuru Kenyatta oo Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan, laakiin waxa farta ku fiiqeen in arintu adagtahay hadii Soomaalidu dhexdeeda wadajir aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com