Kenyatta oo Farmaajo uga baxay saddex QODOB oo horay loogu heshiiyay.!!!

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Kenya ayaa Qunsuliyado ka furaneysa magaalooyinka Kismaayo iyo Hargeysa oo nidaam ahaan hoostaga dowlada Somalia.

Dowlada Kenya ayaa furashada Qunsuliyadahani ula gol leh isu socodka shacabka Kenya iyo dadka ku dhaqan deegaanadaasi waxaana lasoo sheegayaa inaanu jirin ogolaanshiyo ay Kenya ka heshay dowlada Somalia.

Qorshaha lagu furaayo Qunsuliyadaha ayaa waxaa gadaal ka riixaya Madxaweynaha Kenya Uhurro Kenyatta oo dhawaan loo gudbiyay in gudaha Somalia ay ku noolyihiin Kenyan kor u dhaafaya 3,000 oo intooda badan Somalia ku jooga sifo sharci la’aan ah.

Kmowi Matiangi oo ah Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Kenya ayaa sheegay in talaabada lagu furaayo Qunsuliyadaha uu yahay mid ka imaaday Madaxtooyada Kenya oo dhawaan la gaarsiiyay baahiyo ku aadan furista Qunsuliyadaha.

Waxa uu Sarkaalkan qiray inaanu jirin wadahadal ay Somalia iyo Kenya ka galeen furashada Qunsuliyadaha, hase yeeshee ay suuragal tahay inuu bilowdo wadahadal labada dhinac oo ku aadan furashada xafiisyada.

Qorshaha ay Kenya ku irdo fureyso xafiisyada Qunsuliyadaha Kismaayo iyo Hargeysa ayaa cagsi ku ah Heshiis ay sanadkii hore kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Uhurro Kenyatta.

Qodobada ka hor imaanaya furashada Xafiisyada wargalin la’aanta ah ayaawaxa kamid ah:

1-In labada wadan ay si wada jira u tixgaliyaan madaxbanaanida. Waxaa tani caddeyn u ah in Kenya weli sheeganeyso badda Soomaaliya, dhinaca xuduuddana uga soo gardarootay Soomaaliya Beledxaawo.

2-In Kenya aysan xiriir toosa la sameyn maamul Goboleedyada, iyadoo wixii howl ah la marin doono dowlada Somalia. Weli way socotaa arrintaas, oo maamul goboleedyada waxaaba xarun u ah Nairobi, Addis-Ababa iyo Dubai oo casharada ooga meeriyaa.

3-Iska warqab iyo wada shaqeyn aasaas u noqota labada dal, si loo dhowro nidaamka iyo madaxbanaanida.

Qodobada koowaad iyo labaad ayaa meesha ka saaraya Heshiiska wada jirka ahaa oo ay kala saxiixdeen Somalia iyo Kenya, waxa ayna jabinta Heshiisyada ka imaaneysa dhanka Kenya.

Sidoo kale, Dowlada Kenya oo dhulal badan ka heysata Somalia ayaan furashada xafiisyada kuwar galin Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia oo nidaam ahaan ku shaqo leh.

Geesta kale, dowlada Kenya oo waayadii danbe u muuqatay mid wanaagsan ayaa iminka dib u dhaqan galineysa faragalin Siyaasadeed oo ay ku sameyso Somalia.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid