Kenyatta oo QM ku war-geliyey go’aan cusub oo qaxootiga la…

Nairobi (caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay madaxa hey’adda UNHCR ee arrimaha qaxootiga Filippo Grandi in dowladiisa aysan ka laaban doonin go’aanka ay ku xireyso xerada Dhadhaab.

Uhuru Kenyatta ayaa ugu yeeray UNHCR in si deg deg ah dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah iyo kuwa kaleba dalalka ay markii hore ka soo tagen.

Wafdi ka socda Hey’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa ku sugan magaalada Nairobi si Kenya ay ugu qanciyan in xilagan aan la xirin xeryaha qaxootiga.

Kenya ayaa dhawaan shaacisay iney xiri doonto xerada Dhadhaab marka la gaaro bisha November ee sanadkan.

Ku dhawaad 130 kun oo qaxooti Soomaali u badan ayaa ku noola xeryaha qaxootiga caalamka ugu balaaran gaar ahaan Dhadhaab oo imminka la xirayo sida Kenya ay ku dhawaaqday.

Sido kale xerada Kakuma ayaa iyadana shaki weyn la gelinaya,waxaana laga yabaa in Kenya ay xirto xeradan haddiiba la xiro Dhadhaab.