KENYATTA oo uu xannuunku taabtay !!

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladiisa ay ku dadaali doonto sidii ay usoo ceshan laheyd kalsoonidii dadka dalxiisayaasha ay ku heysteen amaanka dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in wasaarada dalxiiska ee dalka Kenya ay bilaabi doonto dib u eegis ku aadan sidoo loo abuuri lahaa in ajaaniibta ay gaaraan dalkaasi Kenya, iyadoo ay ugu wacan tahay dhanka amaanka.

“Arintaan ma ahan mid ku diirsan suuqyada Shisheeye, aan si wadajir ah isu kaashano aan sameyno soo jiidasho dalxiisayaasha ah oo aan wax ka badalno amaanka”sidaasi ayuu yiri madaxweynaha dalka Kenya.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha dalka Kenya in dhamaan dadka ku dhaqan dalkaasi looga baahan yahay inay u midoobaan amaanka dalkaasi oo aan kaliya ciidamada lagu eegan, sida uu hadalka u dhigay.

Dowlada Britain ayaa qoraal maalmo ka hor kasoo baxay waxaa looga digay dadka dalkaasi u dhashay inay ku safraan magaalooyinka dhanka xeebaha ah sida Mombasa iyadoo laga baqayo weeraro amni daro oo ka dhaca.

Sidoo kale dowladaha US, Australia iyo France ayaa soo saaray digniintaasi la mid ah , iyadoo laga duulayo saameyn muwaadiniinta wadamadaasi kasoo gaari karta amno darada goobaha loo dalxiis tago.

Arinta madaxweynaha dalka Kenya uu ka dhawaajiyay eek u aadan inay wax ka badalayaan amaanka dalkaasi Kenya si ay usoo jiitaan dalxiisayaasha ayaa kusoo aadaya iyadoo dalxiisayaal badan ay isaga baxeen dalkaasi Kenya oo u badan dalxiisayaal u dhashay UK.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com