SAWIRRO: Odayaashii Hargeysa tagay oo aqoonsaday maamulka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online)-Qaar ka mid ah odayaashii dhaqanka ee ka tagay Koonfurta ayaa Somaliland u aqoonsaday sidda dal madaxbanaan oo ah Soomaaliya oo kale.

Odayaashaas ayaa maanta ka qeyngalay xaflad lagu maamusayay 23-sanno guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Qaar ka mid ah odayaashaas ayaa si rasmi u aqoonsaday Somaliland in ay tahay dal madax banaan maadama ay indhahooda ku arkeen horrumarka iyo nabadgalyada ay ku tallaabsadeen.

DSC_0094

Waxaa ka mid ah Suldaan Cabdicasiis Cumar Beyle iyo Axmed Maxammuud Barre, waxa ay sheegeen in ay matalaan Soomaaliya siddaas darteed markii ay arkeen sidda Somaliland horrumar u gaartay in ay mudan yihiin in loo aqoonsado dal madax bannaan oo xor ah

“Caalamka waxaan u sheegeynaa in Somaliland ay mudan tahay in ay tahay dal xor oo aqoonsi la siiyo” ayuu yiri mid ka mid ah labada oday dhaqameed oo ka mid ah odayaasha ka qeybgalay xuska 18-ka May oo dhinaca bidix ka fadhiyay Axmed Siilaanyo madaxweynaha mamaulka Somaliland.

Sidoo kale Odayaal dhameedka ka soo jeed Somaliland ayaa ka codsaday madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha in ay aqoonsadaan Somaliland maadama odayaashii dhaqanka ee ka socday Koonfurta ku dhawaaqeeyn in ay Somaliland tahay dal madax bannaan oo xor ah.

Waa markii ugu horreysay oo odayaal ka socda Koonfurta Soomaaliya ay ka qeybgalaan xuska 18-ka May oo laga xuso Somaliland oo dhan.

Si kastaba, Somaliland ayaa tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni isku taag sannadkii 1991-dii waxaa ay raadinayeen aqoonsi balse illaa hadda ma helin.

DSC_0159

DSC_0174

DSC_0195(1)

IMG_0301

IMG_0430

IMG_0629

IMG_0629

IMG_0654

IMG_0656

IMG_0850

IMG_0899Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com