Xog: Xasan Sheekh oo ina-adeerkiis u magacabay xil uu ka qaaday nin kasoo jeeda beelaha laga tira badan yahay.

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida.

Wareegto laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu soo magacaabay C/raxmaan Maxamed Tuuryare, kaa oo ku heyb ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sdia xubno ku sugan Villa Somalia ay u sheegeen Caasimada Online.

Wareegtadan, oo saxaafadda laga qariyey, ayaa xilka looga qaaday Liibaan Cali Yarow, Gudoomiyihii Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida, iyadoo uu xilkaan soo haayay sanadihii ugu dambeeyay.

Ninka la magacaabay, ayaa horey u soo noqday Madaxii Dembi Baarista ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Madaxii Tababarada ee Ciidanka Nabad Suggida ee Soomalaiya, balse xilkaasi laga ceyriyey.

C/raxmaan Tuuryare, ayaa gacanta loo geliyay warqada lagu soo magacaabay, si aynaan dadku hadhow Madaxtooyada ugu dhaleecayn in Madaxweynaha Somaliya, uu nin kasta oo xilka laga qaadaayo ku soo bedelo ragga ku heybta ah.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Liibaan Cali Yarow oo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay loo arkay, inaanu xilkaasi sii hayn karin, sida dad ku dhow Xasan Sheekh ay sheegeen.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, ayaa waxay kuu sheegayaan in nin aan baran Shuruucda Militariga qabin karin xil ku aadan Militariga amaba haddii uu noqonaayo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida, marka hore ay sharuudu tahay in uu soo qabto xilalka hoose ee Maxkamada.

C/raxmaan Tuuryare oo Hay’adda Nabad Suggida uun la soo shaqeeyay, ayaan wax shaqo ah ku lahayn Militariga, iyadoo sidoo kalana aanu aqoon durugsan u lahayn Sharciga Maxkamada.

Liibaan Cali Yarow oo muddo fog ku soo jiray Garsoorka Ciidanka Qalabka Sida, ayaa inta aanu noqon Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida, waxa uu horey u soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida.

Madaxtooyada waxaa lagu eedeeyay in si masuq maasuq leh ay ku soo magacawday C/raxmaan Maxamed Tuuryare, taasina ay muujineyso sababta aan loo shaacin Wareegtadiisa.