Warbixin: Dadka reer Muqdisho oo ku waabariistay arrin aaney jecleesan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka saakay naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan howgallo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, ayaa soo sheegaya in howgallo dad badan lagu qabqabtay ay saaka ka socdaan xaafaddo ku teedsan degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa sheegay in uu arkay ciidamo guryaha galaya oo soo qabqabanaya dad u badan dhallinyaro.

Lama oga wax yaabaha uu salka ku hayo howgallada saakay ka socday magaalada Muqdisho.

Waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka degmooyinka howgallada ay ka socdaan, siddoo kale waxaa xiran goobaja ganacsiga iyo waxbarashadda ee ku yaalla halkaas.

Ciidamada ayaa xaley saqdii dhex tagay xaafadaha ay howgallada ka wadaan mana cadda wax yaabaha ay u jeedkooda yahay iyo cidda ay raadinayaan toona.

Marka siddan oo kale howlgallo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM uga sameeyaan Muqdisho, waxaa dhibka ugu badan ka soo gaartaa ardayda, dadka xanuunsan iyo shaqaalaha kuwaasoo dhibaato kala kulma siddii ay u aadi lahaayeen goobahooda.

Hey’addaha amaanka ilaa hadda kama warbixin wax yaabaha uu salka ku hayo howgalka saakay ka socda Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com