Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca Puntland ayaa soo bandhigay keyd hub oo tiro badan oo ay heleen, kaas oo ku qarsoonaa godad dhulka hoostiisa.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in hubkan uu ka tirsanaa keydkii maaleeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaaleysanayay togga Baallade.
Waxaa la sheegay in halkaasi laga soo saaray hub iyo saanad ciidan oo badan, kuwaas oo ay ku jireen qoryo kala duwan oo dagaal, gaar ahaan hubka fudud ee garbaha lagu qaato.
Ciidamada Puntland ayaa hawl-gal ballaaran ka fuliyay gudaha togga weyn ee Baallade, iyagoo halkaasi ka helay keydka hubkaasi.
Inta lagu guda jiray hawl-galka, ciidamadu waxay la dagaalameen maaleeshiyadij ilaalinaysay keydka hubka, iyadoo ugu dambeyntiina ay ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku dhigeen keydkaasi.
Saraakiisha hoggaaminaysa hawl-galka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in dagaalkaasi lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, kuwaas oo ka mid ahaa ilaalada keydka hubka ee kooxda.
Dagaalka Daacish ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah duqeymaha cirka, iyadoo dhawaan uu Mareykanka duqeymo la beegsaday goobo ay ku dhuumanayeen hoggaanka Daacish ee ku sugan buuraha Golis oo dhaca gobolka Bari ee Puntland.
Si kastaba, Ciidamada Puntland ayaa dagaal naf hur ah la galay kooxda Daacish, waxaana lagu guuleystay in laga saaro deegaano muhiim ah oo ay hore uga sameysteen saldhigyo tababar, iyadoo howl-galka lagu dilay dagaal-yahaanadii ugu badnaa oo ajaanib ah.

