Khaatuma oo Taleex isaga baxday iyo Ciidamada maamulka Somaliland.

Muqdisho(Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen warbaahinta Deegaanada Somaliland ciidamada maamulkaasi ayaa waxay galeen xaafadaha kala duwan ee degmada Taleex ee gobolka Sool, kadib dagaal dhacay.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay marka hore weerar gooban ay ku qabsadeen degmada Xiingalool ee gobolkaasi, wallow wararka soo baxaya ay sheegayaan in ciidamada Somaliland ay isaga baxeen degmadaasi.

Wariyaasha deegaanka ayaa sheegaya inay ogaadeen in ciidamadii iyo masuuliyiintii maamulka Khaatuma ay isaga baxeen degmada Taleex ee gobolka Sool, ayna gaareen ciidamada maamulka Somaliland, iyadoo dagaal buuran uusan dhicin.

Ciidamada maamulka khaatuma iyo masuuliyiintooda ayaanan la ogeyn halka ay u jaheysteen, waxaana la sheegayaa in iminka ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin degmadaasi oo marar badan dagaalo ay ka dhaceen.

Mararka qaar ayaa sida dadka deegaanka ay sheegayaan waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas googoos ah oo ka dhex dhaceysa bartamaha degmada Taleex ee gobolkaasi Sool.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com