Markii ugu horeyay waxaa magaalada Muqdisho la isugu guuriyay 16 Lamaaneyaal Soomaaliyeed, kuwaasi oo da’doodu u dhaxeysay 20 ilaa 18 sano jir, oo caawinaad iyo dhiiri gelin ka helayay Hay’ad Samafal oo lagu magacaabo Imaamu Qumeyni oo ka dhisan dalka Iiraan.
Guur wadareedkaan ayaa waxaa dhiiri gelinasay Hay’addaasi ka dhisan dalka Iiraan, iyadoo Lamaaneyaashaan lagu taageeraayay dhaqaale aan aan la shaacin inta ay cadadkeeda la eg tahay, waxaana Lamaaneyaashaan laga soo xulay goobaha barakacayaasha iyo degmooyinka Gobolka Banaadir nala daawo muuqaalka warbixintaan.