Wasiiradii tagay gobolka Sh/Hoose oo xog bixiyey iyo arrimo soo ogaadeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wefdigii ka socday Dowladda Soomaaliya ee maanta gaaray Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay kulamo la qaateen Odayaasha Dhaqanka iyo wax-garadka beelihii ku wada dagaalamay Gobolkaasi.

Wefdiga oo ay horkacayeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga, ayaa waxay labada beelood kala hadleen, sidii loo kala qaadi lahaa maleeshiyadii ku dagaalantay Gobolka Shabeellaha Hoose.

C/laahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo kulamada kadib Saxaafada la hadlay, ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii ka soo baxay kulamada.

Wasiirka waxa uu sheegay in beelaha ay soo dhoweeyeen wefdigiisa, isla-markaana ay ku qanciyeen in la kala qaado dhinacyadii ku wada dagaalamay Marka, Shalambood iyo Nambar Konton.

Masuulkaan, ayaa waxa uu tilmaamay in muhiimadu ay tahay in laga shaqeeyo xasiloonida Gobolka Shabeellaha Hoose, labada beeloodna ay soo dhoweeyeen rabitaanka Dowladda.

Wasiirka wuxuu sheegay in qorshaha Dowladda Soomaaliya uu yahay, sidii xal dhab ah looga gaari lahaa dagaalada soo noq noqday ee labada beelood ku dhex maraaya Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa uu intaa ku daray in Dowladdu ay xoogga saari doonto xiisada xilligaan ka taagan Gobolka Shabeellaha Hoose, sidii looga gudbi lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan, sida uu yiri.

Wefdigii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maanta gaaray Magaalada Marka, ayaa casir liqii galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, xilli la hadalhaayay inay caawa ku hooyan doonaan Magaalada Marka.

Si kastaba ha-ahaatee shacabka ku dhaqan Magaalada Marka, ayaa waxay maanta soo dhoween wanaagsan u sameeyeen wefdiga ay soo dirtay Dowladda Federalka ee Somaliya, mana jirin wax shaqaaqo ah oo Marka ka dhacay intii ay jooggeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com