Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa maamulada Puntland iyo Khaatumo State.
Xiisada ayaa ka taagan gaar ahaan deegaan 12 km u jira Magaaladaasi oo ka tirsan Gobolka Sool, waxaana la sheegayaa in Ciidamada labada dhinac ay yihiin kuwo isku hub uruursanaaya islamarkaana u diyaar garoobaaya Dagaal.
Abshir Sheekh Cabdicasiis Max’ed oo ah Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha maamulka Khaatumo State, ayaa warbaahinta u sheegay in xiisadani ay timid kadib markii Ciidamada maamulka Puntland gudaha u soo galeen 12 km horayna ay u soo dhaqaajiyeen taas oo tilmaamay in ay tahay xad gudub lagu sameeyo maamulka Khaatumo sida uu hadalka u dhigay.
Abshir Sheekh Cabdicasiis Max’ed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamada maamulka Khaatumo ay iyaguna 3 km u jirsadeen halka ay soo fariisteen Ciidamada Puntland isagoo xusay in dagaal meeshaas ka dhaco masuuliyaddiisa ay qaadaneyso maamulka Puntland.
Geesta kale Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee maamulka Khaatumo ayaa waxa uu tilmaamay in wax wada hadal ah aysan ogoleyn maamulka Puntland , dhowr jeer oo horena ay ku soo xad gudubtay deegaanno hoostaga gobolka Sool sida Qorileey islamarkaana ay dad ku laayeen kuwa kalana ay ku barakiciyee.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

