Taleex (Caasimada online) Kadib markii ciidamo ka titsan Maamulka Punland ay wadada u galeen Madaxweyneha Maamulka Khaatumo State xilli uu marayay deegaanka Badqaboobe ee gobolka Sool ayaa waxaa dhexmaaray dagaal xoogan oo dhimasho iyo dhaawac sababay.
Maxamed Jaamac Indho Sheel, Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State ayaa sheegay in xilliga ciidamada Puntland ay wadada u galayeen uu kusii jeeday degmada taleex ee gobolka Sool.
Wuxuu sheegay in hadii Puntland au joojin weyso fara glinta iyo dhibaatada ay ku heyso khaatumo ay la kulmi doonaan Dhibaato taariiqo ah oo ay ka sheekeeyana sida uu shaaca ka qaaday .
Indho Sheel, wuxuu tilmaamay in ciidamadoodu ay u diyaarsan yihiin weerar waliba oo kaga yimaada dhanka ciidamada maamulka Puntland sida uu shaaca ka qaaday .
” Waa digniinteeni ugu dambeysay waxaanu leenahay ka jooga gardarada aad wadaan , hadii kale jawaab cad ayanu ka bixin doonaa” ayuu yiri Indho dheel
Dhanka kale wuxuu shacabka khaatumo u sheegay in marnaba sayn jirin cid ka hor istaagi karta shirka Khaatumo ee taleex ka furmi doona dhowaan.
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa shalay galab wadada u galay madaxweynaha Maamulka Khaatumo State xilli uu kusii jeeday degmada Taleex e gobolka Sool waxaana halkaasi kadhashay dagaal dhimasho iyo dhaawax sababay.
Halkaan Hoose ka dhageyso Madaxweyne Indho Sheel
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Satate
Caasimada online
Xafiiska Taleex