Khabiir shaaciyey waxa ka dhalan karo haddii qadiyada Somaliland la geeyo ICJ

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa dhawaan khudbadiisi uu ka jeediyay xuska 18-May oo ku beegneyd maaalintii ay Somaliland ku dhawaaqday madax-banaanida ay ku doodo uu ku sheegay ‘inay Soomaaliya ku kala bixi karaan labo qodob oo ay kamid aheyd inuu qadiyadooda geeyo maxkamad caalamiya’.

John M. Rosenberg oo ah khabiir Mareykan ah oo degan dalkaasi, ahna khabiir ku takhasusay arrimaha Afrika, ayaa ka digay qorshahaasi Biixi ee uu ku sheegay inuu qadiyada Somaliland uu ku geyn doono Maxkamad caalamiya.

John ayaa sheegay in qorshahaasi Biixi uu ku dambeynayo guul-daro, maadama ay tahay istiraajiyad aan laheyn qorshe fog, isla markaana ay haboon tahay in la helo qorshe ka duwan midka uu ka dhawaajiyey madaxweyne Muuse Biixi.

Rosenberg ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka si dad-ban ugu sheegay in qadiyada Somaliland oo la geeyo maxkamad caalami ah ay ku dambeyn doonto midnimada ay raadineyso dowladda Soomaaliya.

“Somaliland waxa ay sheegtay inay qorsheynayso in qadiyadeeda ay gaynayso maxkamad. In qadiyadda la geeyo maxkamad caalami ahi waa istiraajiyad lagu guul-dareysanayo, balse waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa sharcinimo loogu hello galaan gal meel kale laga sameeyo” ayuu ku yiri qoraalkiisa John M. Rosenberg.

Somaliland ayaa u muuqata mid ku guul-dareysaneysa inay hesho madax-banaanida ay ku doodo, midaasi oo ay horseed u yihiin qorshayaasha iyo talaabooyinka ay ku baadi-goobeyso ictiraafka oo ah kuwo aan loo meel dayin.