Walaaca laga qabo dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya oo sii kordhaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya walaaca xoogan ee laga muujinayo doorashooyinka Soomaaliya ee 2020 illaa 2021-ka, iyadoo xubnaha beesha caalamka iyo mucaaradka ay ka digayaan muddo kororsi.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beene oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka oo u warramay VOA ayaa sheegay in guddoonka baarlamaanka Soomaaliya uu fuliyey qorshe lagu soo heshiiyey oo dib loo dhigayo doorashooyinka Soomaaliya, sida mida Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

Beene-Beene ayaa sidoo kale tilmaamay in la jabiyey sharciga doorashooyinka qaranka ee ay meel mariyeen labada aqal ee baarlamaanka federaalka  iyo dastuurka KMG ah.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dib loo dhigay warbixintii guddiga doorashooyinka madax banaan, iyada oo laga leeyahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in uu socdo isku day la doonayo in muddo kordhin hor leh loogu sameeyo hay’adaha dastuuriga ah iyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo uu xusay inay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay arrintaan ayaa difaacay go’aanka guddiyada joogtada ee labada aqal, kadib markii ay go’aamiyeen todobaadkii la soo dhaafay in dib lo dhigo furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baalamaanka Soomaaliya.

Dalxa ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid loo baahnaa, islamarkaana lagu saleeyey xaaladda adag ee uu haatan ku jira dalka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xasan Cali Khayre uu kulankii golaha wasiirada Soomaaliya ka sheegay in dalka ay ka dhaceyso doorasho guud, islamarkaana lagu qaban doono watigii loo asteeyey.