Somaliland oo war kasoo saartay wada-hadallada hoose ee QM ay sheegtay in ay la leedahay Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadashay warar muddooyinkii dambe sheegayay inuu jiro wada-hadalo hoose oo u socda madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Somaliland ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay jiritaanka wada-hadaladaasi, iyadoona dowladda federaalka ku eedeysay inay jabisay heshiisyo hore loo gaaray, sidaasi darteedna aysan mudneyn wada-hadal.

Saleebaan Koore, Wasiirka warfaafinta Somaliland oo arrintaasi ka hadlayey ayaa sheegay inay jirin wada-hadalo hoose oo ay la yeeshen dowlada Farmaajo, isagoona xusay inaysan jirin sabab ay Somaliland wada-hadalo hoose ula yeelato Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay inay dowladda federaalku ay faro galin qaawan ku hayso Somaliland, midaasi oo ay uga dan leedahay iska horkeenida madaxda Somaliland iyo shacabkeeda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wax haba yaraatee wada-hadal ah oo aanu xukuumadda Soomaaliya kula jirnaa ma jirto, waxa keliya ee aanu Xukuumaddaa ku wada-hadli karnaa waa Goob Caalamku markhaati ka yihiin, markaa haddaanu nahay Jamhuuriyadda Somaliland wax Wada-hadallo ah oo aanu la leenahay Xukuumadda Muqdisho joogta ma jirto” ayuu yiri Saleebaan Koore.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa cad in Dawladda Muqdisho ka dhisani ay faro-gelin ku waddo Dad ka mid ah Ummadda reer Somaliland, laakiin runtii maaha wax aan laga war haynin, waa arrin lala socdo, Dawladda Somaliland-na indho dhaw ayay ku eegaysaa dhaq-dhaqaaq kasta”.

“Waxay halkan ka doonayaana wax halkan uga soo suurto-gelaya maaha, Somaliland-na maaha wax Cid iska hor-keeni karto ama Cid ku shaqaysan karto iyo Meel Fikir loo soo dhoofin karo midna maaha”.