Guddoomiye MURSAL oo ka hadlay haddii dowladda la kordhinayo muddo xileedka

Muqdiisho (Caasimadda Online) – Waxaa jirta hadal heyn xoogan oo la xiriirta in xukuumadda uu hogaaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay dooneyso muddo kororsi, mowduucaas ayaa noqday kan loogu hadal heynta badan yahay isbuucyadii lasoo dhaafay.

Guuxa arintaas ku saabsan ayey hadal hayeen mucaaradka iyo dadka daneeya siyaasadda Soomaaliya, balse Ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumadiisa ay isha ku heyso in doorashada lagu qabto xilligeeda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa aaminsan ineysan dhici doonin dib u dhac doorasho.

Dib u dhaca ku yimid kalfadhiga Baarlamaanka ayaa dhaliyay walaac ku saabsan in dib u dhac uu ku yimaado doorashada, sidoo kale waxaa jirta in laga cabsi qabo saameynta xanuunka Coronavirus.

Si kastaba, Gudoomiye Mursal wuxuu diiday in dib u dhac doorasho dhacdo, wuxuuna aaminsan yahay in xal loo heli doono doorasho wakhtigeeda ku dhacda.

“Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo”.

“Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto”, ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha wuxuu meesha ka saaray in muddo kororsi ay helaan Baarlamaanka iyo madaxweynahaba.

“Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaarin ka hor inay doorasho dhacdo”, ayuu yiri Guddoomiye Mursal.