KHADAR oo sheegay in uu toos ula hadlo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa sheegay inay jiran dhinacyo aad uga faa’iideysanaya hakatka wadahadalka Dowlada Somali iyo Somaliland.

Khader, waxa uu sheegay in dowlada Somalia aysan waxba u arki doonin dhinacyada hormarka mooda inaan la ambaqaadin wadahadalka waxa uuna meesha ka saaray inuu jiro hakat dhanka wadahadalka.

Khader, waxa uu tilmaamay in Somaliland ay kawada hadleen xiliga ay bilaabi doonaan wadahadalka waxa uuna mar kale cadeeyay in dhankooda ay kasoo idlaatay u diyaar garowga wadahadalka.

Wuxuu sheegay in si toosa ay u wadahadlan Somaliland waxa uuna cadeeyay inaanu jirin cabsi ay ka qaban dib u dhacyo ku imaada wadahadalada.

Waxa uu soo hadal qaaday colaadaha wali ka taagan Gobolka Sool, waxa uuna tilmaamay in dowlada Somalia ay ku guda jirto xalinta colaada Sool.

Khader, ayaa tilmaamay in dowlada Somalia ay Gobolka Sool la dooneyso degnaanshi iyo xasilooni ka dhalata waxa uuna cadeeyay inay wadan qorshooyin lagu kala qaadayo labada ciidan.

Sidoo kale, Ciidamada Puntland iyo Somaliland ee kusugan jiida Tukaraq ayuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan sida lagu kala qaadi lahaa waxa uuna carab dhabay inay ku guda jiraan xalinta colaada.

Hadalka Khader ayaa kusoo beegmaya xili mucaaradka ay qodob ka dhigteen in dowlada Somalia ay ku guuldareysatay sii wadista wadahadalka kala dhexeeyay Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com